Sinopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
10/05/2024 Duración: 02minQofku uma baahna inuu kaxeeynta baaskiilka u hasyto leysan kaxeen, balse waxaa jira shuruuc loo baahan yahey in la raaco. Isticmaalka kharashaadka qoysaska oo kor u kacay boqolkiiba 0.5 bisha Abriil. Maamule iskuul oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta wiil 8 jir ah oo ku geeriyooday dhaawac ka soo garay mar uu ka soo dhacay buur ikuulka ku taalla.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
08/05/2024 Duración: 03minMaxkamadda degmada Södertörn ayaa ku ridey laba nin oo dhallinyaro ah dilkii nin 30-meeyo jir ah. Barkood xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka ayaa qaba in fikirka ah in ururka midowga barwaaqasooranka Yurub EU uu ka sari karo xubinnimada waddan aan ku dhaqmeeyn nidaamka dimoqoraadiga. In ka badan barkood macaamiisha kireeysteyaasha ayaan guryaha ku heysan lacag caddaan ah. Guddiga masiibooyinka qaran ayaan baaris ku sameeyn doonin shilkii ka dhacay dekedda Furusund.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
07/05/2024 Duración: 02minLaba 16 jirro ah ayaa lagu xukumay dil ka dhacay xaafadda Handen ee nawaaxiga Haninge. Hal qof ayaa la xiray ka dib markii nin 40 jir ah lagu toogtay Södermalm ee magaalada Stockholm lixdii iyo badh fiidnimadii shalay Laba qof ayaa loo xidhay tuhun lacageed, ka dib markii ay Arlanda keeneen lacag ka badan hal milyan oo karoon.
-
Wararka maanta ee raadiyaha iswiidhen.
06/05/2024 Duración: 03minRa'iisul wasaare Ulf Kristersson oo lagu dacweeyay guddiga dastuurka ee baarlamaanka. Ururka daladda daryeelka caafimaadka oo ku dhawaaqay in uu balaadhiyo xanibaadda iska hori-maadka socda ee ka dhexeeya shaqo-bixiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan. Qiimaha oo kor u kacay bishii abriil 0,2 boqolkiiba marka loo barbardhigo bishii maarso ee ka horreeysay. Howlwadeennada Katamka oo gacanta ku dhigey maandooriye ka badan marka loo barbardhigo sannadkii ka horreeyey.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
03/05/2024 Duración: 02minHeyadda saadaalinta dhaqanka ayaa sheegtay iney 21 boqolkii hoos u dhaceen tirada dadkii booqanayey madxafyada. Xukuumadda oo isugu yeertey 50 heyadood si ey ugala tashato in la xiro ama heyado kala lala mataaneeyo. Tiro aad u hooseeysa oo laga heley xanuunka covid-19 gobolka Uppland. Sweden oo kaalinta labaad kaga jirta shaqa la'aanta dhallinyarada wixii da'dooda loo gaaro 25 jir ee waddammada xubnaha ka ah EU-da, waxaana keliya oo kaga sarreeya dalka Isbayn.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
02/05/2024 Duración: 02minKooxda kubbadda cagta Malmö FF ee ragga ayaa todobaadkan ku guuleystey koobka Sweden. Dembiilayaasha ayaa lacag ka sameeya ama ka hela iyagoo ku iibinaya warqado lacag ah oo been abuur ah baraha bulshada. Xukuumadda ayaa doonaysaa in dad badan, oo aan haysan dhalashada Iswidhishka, ee dembiyo lagu xukumo dalka laga masaafuriyo. Booliiska ayaa fasax u siiyay in bartamaha magaalada Malmö lagu gubo kitaabka Qur'aanka maalinta berito ah.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
30/04/2024 Duración: 02minLaga bilaabo 6-da bisha Maajo ayaa shirkadda Postnord maalin dhaaf u faaruqi doonto sanduuqyada boostada ee jaallaha ah. Naadiga Skellefteå ayaa 2 iyo 0 kaga badiyay naadiga Rögle isla markaana qaaday koobka horyaalka Sweden ee ciyaarta xeegada barafka. Nin 45 jir ee ku dhaqan Södertälje ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu dilay wiil uu dhalay oo 9 jir ahaa. Waalidka asal ahaan ka soo jeeda dalka dibeddiisa ayaan inta badan ogolaan taageerada ey laammaha adeegga bulshadu u fidiyaan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
29/04/2024 Duración: 02minBerrito ayaa la filayaa in hawada kulul ee xilliga gu'ga ay ku fidi doonto dhamaan dalka Sweden. Inkastoo hoos u dhac dhaqaale uu jiro, ayaa hadana waxaa jira shaqooyin badan oo xagaaga ah oo la codsan karo sanadkan. Gawaarida cusub ee booliiska ayaa la siiyay in ay nalal oranji ah ku rakiban yihiin saqafka sare ee gaariga. Isticmaalka maandooriyeyaayasha nooca kookeynta iyo midka loo yaqaan 'ecstasy' ayaa ku soo badanayafaras magaalaha Stockholm.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
26/04/2024 Duración: 02minAabe looga shakisan yahay inuu labo caruur ah ku dilay degmada Södertälje oo la xidhay. Tirada carruurta Iswiidhen ku dhasha oo yaratay. Dhimashada shilalka gaadiidka oo korodhay. Shirkada SAAB oo shaacisey inay macaashtay qaybta hore ee sanadkan.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
25/04/2024 Duración: 02minLaga bilaabo maanta muwadiniinta Iswiidhen ee ku nool dibada way codayn karaan doorashada EU. 19 jir lagu xukumay xabsi daa'in halka gabadh 18 jir ah lagu xukumay 10 sano. Amiirad Victoria oo bilaabaysa layli sarkaal sarre. Kalkaaliso 20 sano ku shaqaynaysay shati la'aan Hor u codeeynta doorashada baarlamanka EU-da oo maanta ka bilowdey Sweden.Wiil 19-jir ah oo xabsi daa'in loogu xukumey maanta dil ka dhacay bartamaha magaalada Stockholm, halka gabar 18 jir ahna loogu xukumey 10 sannadood oo xarig ah isla felkaa.Gabadha iska leh dhaxalka boqortooyada Victoria tababar leyli sarkaal ka bilaabi doonta akadeemiyada difaaca, si ay u qaadato darajada sarkaalad.Haweeney muddo 20 sannadood ah kaga shaqeeyneeysay shati la'aan xirfadda kalkaaliyaha caafimaadka gobolka Jämtland Härjedalen, sida laga soo xigtay telefishanka SVT.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
24/04/2024 Duración: 02minQaraxyada ay geystaan dambiilayaasha ee lala beegsado guryaha fillooyinka iyo dabaqyada ayaa soo badanaya. Shirkadda tareennada SJ oo samayn doonta maalgashi ka dib markii dhaleecayn loo jeediyey. Shirkadaha caymisku waxay leeyihiin shuruudo kala duwan oo ku saabsan dadka la kulma falalka galmada.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
23/04/2024 Duración: 02minBooliska mandiqaddaha waqooyiga Iswiidhen oo qariiradayn ku samayn doona raga rabshadaha ka dhanka ah dumarka sameeya. Qareen ka hawlgala Malmö oo xukun lagu ridey. Booliska oo ka digaya nooc cusub oo lagu xadayo xogta dadka.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
22/04/2024 Duración: 02minHal qof ayaa ku dhaawacmay shil wiish Magaalada Göteborg. Sannadihii 2019 iyo 2023 ayey wakaaladda bii'ada shaqada soo gaareen ku dhowaad 31 000 kiis oo la xiriira shilalka ka dhaca goobaha shaqada. Nin lagu tuhunsan yahay kiis tooriyeyn ah oo rumaanka la dhigay. Khalad la xidhiidha shaybaadhka oo ka dhacay cusbitaalka Umea.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/04/2024 Duración: 02minLaba nin oo boliiska Malmö u gudbiyey dalab bannaanbax hor leh oo lagu gubeyo qur,aanka. Fanaaniin badan oo sheegay iney ka noqdee ka qaybgalka tartanka heesaha hirgalay ee Yurub. Magaalada Haparande oo dhacda waqooyiga sweden ayaa laba nin loo qabtay kaydsiga walxaha qarx oo aad u fara badan. Nimankan ayaa iska dheereeyey iney wax dembi ah galeen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
18/04/2024 Duración: 02minWakaalada caafimaadka dadwaynaha ayaa aaminsan in dad aad u yar oo waayeel ah laga tallaalay cudurka safmareenka ee covid-19. Carruurta ka codsata waalidiintooda iney lacag ugu soo diraan aaladda Swish-ka ayaa inta badan u fuliya. Hanti dhowrka qarankuoo dhaleecayn ba'an u soo jeedinayaa dawladda. Ciidamada Sweden ayaa badda cas u diri doona ciidammo gaaraya ilaa 25 qof.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
17/04/2024 Duración: 02minHabeennimadii talaadadii shalay ayuu gaari bartamaha u galay qolka fadhiga guri ku yaala magaalada Ängelholm. Maanta ayaa ku beegan sannadguuradii labaad kolkii dalka Iiraan lagu xabisay Johan Floderus, isagoona lagu eedeeyey jaajuusnimo. Wakaaladda socdaalka ayaa dalbatay miisaaniyad dheeri ah sidii ay uga soo dhalaali lahayd howlaha xukuumaddu u xilsaartay in dalka laga hirgeliyo kun boos oo lagu hayo dadka waddammadoodii dib loogu celineyo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
16/04/2024 Duración: 02minBoosto laga soo direy dalka Jarmalka ayey ku jireen 87 xabo oo ah bastooladaha korontada ee argagaxa oo kontrabaan ah. Hoos u dhac ayaa ku yimid alaabooyinkii laga iibsan jirey shirkadda xiriirka telefoonnada ee Ericssons. Laba wiil oo da'doodu tahay 17 iyo 18 jirro ayaa la go'aamiyey in rummaanka la dhigo. Baaris cusub ayaa muujisay in keliya kala bar waalidiinta ey ilmahooda kala hadlaan xiriirka iyo galmada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/04/2024 Duración: 01minLabo wiil ayaa la xiray todobaadkii dhamaadkiisa kadib markii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dil aabbe loogu geystay xaafadda Skärholmen. Nin 60-meeyo jir ah ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Arlanda, isagoo boorsadiisa ku dhex wata dahab. Soogalootiga ka imanaya bariga Danmark ee soo gaaraya gobolka Skåne waa kii ugu badnaa muddo toban sano ah.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/04/2024 Duración: 02minKaroonka Swedishka ee daciifka ah ayaa keenay in dalxiisayaasha Danishku ay ku soo qulqulaan Iswiidhen. In haweenka uurka lihi liqaan xanuun baabi'iyaha paracetamol ma kordhinayso khatarta ah in ilmuhu qaado xaaladda autism, ADHD ama naafo maskaxeed. Maxkamada degmada Falu ayaa degmada Falu ka fasaxday inay magdhow siiso waalidka wiil shan jir ahaa oo lagu hayey guryaha dhallaanka lagu xanaaneeyo HBV-hem-ka oo geeriyooday.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/04/2024 Duración: 02minShaqa'la'aanta ayaa kor u kacday bishii maarso gaarteyna 6,7 boqolkii, sida ka muuqata tirakoobka cusub ee xafiiska shaqada - Arbetsförmedlingen. Xukuumadda ayaa sannadkan u qoondeeysay difaaca madniga ah misaaniyad dheeri ah oo gaarsiisan 385 milyan oo karoon. Qof looga shakisan yahay inuu ku xad-gudbay sharciga difaaca ayaa la qabtay shalay oo arbaca ah, ka dib markii uu diyaarad drone ah ku duuliyay meel u dhow qasriga boqortooyada ee Stockholm.